Muqdisho:Gabar da' yer oo intii dhowr nin ah kufsadeen haddana ay dileen

Muqdisho (RH)-Mid ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir waxaa ka dhacay shaley fal aad looga naxay kaasoo noqday hadal heynta ugu badan ee maanta ka jirta magaalada Muqdisho.

Falkaas ayaa ahaa gabar da'deeda lagu sheegay 20 jir oo intii dhowr jin ah kufsadeen dabadeedna ay ka tuureen daba lix biyaano ah saasna ku dhimatay.

Gabadha la kufsaday haddana la dilay waxaa la oron jiray Xamdi Maxamed Faarax waxa ay ka mid ah ardaydii gashay imtixaankii dugsiga sare ee sannadkan la qaaday.

Marxuumada waxaa guri ku yaalla degmada Waaberi ku ballamiyay wiil la sheegay inay xiriir wada lahaayeen, kaasoo isna u balamiyay wiilal kale si gabadha ay wadajir ugu kufsadaan.

Iyada ma ogeyn in sidaas waxaa u dhacayaan.

Nin abti u ah Xamdi ayaa sheegay in gabadha markii ay soo baxaysay ay reerka u sheegtay in ay u socoto ayeydeed oo ay dharka u soo dhaqijirtay toddobaadkii mar.

Gacal Xuseen Gacal oo ah abtiga gabadha la dilay oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in Xamdi ay reerkiisa la joogtay muddo 10 sanno oo isaga uu soo koriyay waxna baray.

Markii uu falkan soo shaac baxay ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada ayaa tegay xaafadda arrintan ay ka dhacday oo ah degmada Waaberi waxaana ay soo xireen illaa lix qof oo lagu tuhmayo in ay arrintan ka dambeeyeen waxaana ka socda baaritaan.

Waa mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee loo geesto gabdhaha yeryer ee ku nool Soomaaliya, waana fal ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo midka islaamka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category