5 Qodob oo ay Jubaland kudiidey shirka Dhuusomareeb 2

1 – Waxaa meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayad oo aan mid kalana la magacaabin.

2- Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71-aad ee dastuurka KMG.

3 – Shirkii Dhuusamareeb 2 ka dib, waxaa laga sugayay dowadda Federalka ah inay joojiso dhibaatada iyo faragalinta sharci darrada ah ee ay ka waday deegaanadda Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo sanadihii la soo dhaafay, waxaase nasiib darro ah inay wali sii socoto faragalintii sharci darrada ahayd.

Dowladda federalku waxay degmooyinkii ugu amaanka badnaa koonfurta Soomaaliya ka dhigtay kuwa ugu amaanka xun, waxayna fursad u siisay nabad diidka Al-Shabaab inay si sahlan masuuliinta iyo shacabka ugu laayaan qaraxyo, waxaa xusid mudan in maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2020 ay ku naf waayeen 13 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan magaaladda Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

5 – In la Iska indho tiro baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020-2021, ayadoo awoodda lagu xadidayo hay’ad gaar ah oo mudo-xileedkeedii gabaabsi yahay, kana shaqaynaysa sidii ay kuraasta ugu sii fadhin lahaayeen.

Category