Wasiir ka tirsan Hirshabelle oo lagu dillay Jowhar

Wasiir ahna xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa caawa fiidkii lagu dilay Magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobaleedka Hirshabelle.

Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani ayaa todobaadkan gudihiis loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka ayaa lagu dilay fiidkii meel aan sidaa uga fogeyn gurigiisa oo ku yaala xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.

Dilka wasiirka oo la sheegay in uu geytay qof hubeysan ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska ayaa howlgal ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ilaa xiligan majirto qof loo soo xiray dilka wasiirka sidoo kalana laamaha Amniga wali wax war ah kama bixin cida ay ku tuhmayaan in ay dilka ka dambeyso.

Xidhibaanka ahna wasiirka caawa la dilay ayaa ka hor intii aan loo macagaabin Wasaarada Beeraha Hirshabelle wuxuu ahaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyada Maamulka Hirshabelle.

 

isha warakan. VOA

Category