Weeraro ka dhacay Baladxaawo iyo Baydhabo

Baydhabo (RH)-Ugu yaraan 10 oo isugu jira madax, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarro ka dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Baladxaawo oo ka kala tirsan goballada Baay iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaray gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ugu yaraan shan qof oo uu ku jiro guddoomiyaha deeganka Goofgaduud Buureey iyo taliyaha salka, kaddib dagaal culus oo saaka Al-Shabaab ay ku soo qaaday deeganka Goofgaduud Buureey oo qiyaastii 30 km dhinaca galbeed u jirta magaalada Baydhabo ee xarrunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ku billowday weerar loo adeegsaday baabuur kadibna waxaa xigay koox hubeysan oo gudaha u soo galay degmada.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa .sheegay in sideed qof ay ku dishay weerarkaas balse warbaahinta dowladda yaa baahisay in weerarkaas lagu dilay 10 ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, qarax miino ayaa maanta barqadii ka dhacay maqaayad ay fadhiiistaan ciidamada dowladda oo lagu shaaxo taasoo ku taalla degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof halka lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda ayaa in muddo cakirneed, in kastoo markii dambe ay soo hagaagday.

Dadka dhintay waxaa ku jira dad shacab ah oo ay ku jirto haweeney joogtay maqaayadda la qarxiyay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category