Xukuumadda Somaliland Oo Ganaax Adag Dul-dhigtay Telefishanada Universal iyo Star

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganaax adag dul-dhigtay Labadii Telefishanada ee Universal iyo Star ee dhawaan la xayiray.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa soo saaray qoraal la xidhiidha ganaaxa lagu Riday labadaas TV, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ayaa waxaa Uu U Dhignaa sidan:-

“Markii aanu dhagaysanay dacwadda ay qabaan muuq-baahiyaasha Universal TV iyo Star TV.

Markii aanu dhagaysanay aqoonyahanka iyo waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aanu aragnay Qaraarka Maxkamadda sare ee tixraaciisu yahay Tix: MS.I.18/2020.  Qaraarkii Maxkamadda qodobka 1 aad iyo qodobka 2aad oo odhanaya sidan:

  1. Waxay qaraarisay in Rafcaanlayashu ay cabashadooda ku aadan go’aanada kala ah WWDH&W/XW/58/06/2020 iyo WWDH&W/XW/377/06/2020, u gudbiyaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL si ay dib u eegis ugu samayso.
  2. Waxaa sidoo kale la farayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, in ay dib u eegis ku samayso go’aanadeeda arrintan ku saabsan.

Markii aanu ogaanay in dhalinyarro badan oo muwaadiniin reer Somaliland ahi ka shaqaystaan xafiisyada Telefishannadan.

Markii aanu wasaarad ahaan shir buuxa oo loo dhan yahay kaga arinsanay dacwadan,

Waxaanu go’aaminay in aanu ganaaxno laba muuqbaahiye ee kala ah Universal Tv waxaa lagu ganaaxay lacag dhan $15,000. Halka Star Tv lagu ganaaxay lacag dhan $5000. Lacagtaasna waxaa lagu shubi doonaa qasnada dawladda dhexe waxa aad keeni doontaan jiwanka lacag qabashada (RV) Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

F.G. Waxaanay labada muuqbaahiyeba u soo diyaar garoobi doonaan heshiis cusub oo ay la gasho Wasaaradda Warfaafinta.”

 

54

 

Category