Jabhada  Kornayl Caarre Oo Weerartay Wasiiro Ku Sugan Ceel-Afwayn

Hargeysa(RH)Jabhada dibad meerka ah ee uu hogaamiyo Kornayl Mahad Siciid Jaamac “Caarre” ayaa weerar ku soo qaaday degmadda Ceel-afwayn oo ka tirsan gobolka Sanaag, weerarkan ayaa waxaa lagu beegsanayay wasiiro ka tirsan xukumadda Madaxwaye Biixi oo halkaasi ku sugan .

wasiiradan la weeraray ayaa kala ah wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mirre Maxamed iyo Wasiirka Shaqo-galinta iyo arrimaha bulshadda Marwo Hinda Jaamac Gaani.

 

Masuuliyiintan ayaa halkaasi u tagay in ay u sii gogol xaadhaan Waftiga Madaxaynaha oo la filayo in uu halkaasi gaadho, waxaana ka dhashay weerarkan inta la og yahay dhaawacyo fudud oo soo gaadhay sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Ceel-afwayn.

 

Geesta kale jabhadan  Uu hogaaminayo Kornayl Caarre ayaa beegsanaysay goobaha xarumaha Ciidanka  ee aagaasi ,lama  garanyo Sarkaalkan dibad-meerka ahi halka ay soo martay jabhadiisu markii ay weerarkan soo qaadeen.Jabahaddan ayaa fadhigoodu yahay Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Putland.

 

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa markiiba ka saaray halkaasi.Jabhadaasi weerarka soo qaaday 

Category