Laas-caanood(RH)Guddi culimo ah oo madax-bannaan ayaa maanta ka soo saaray magaalada Laascaanood 11 qoddob oo ay u kala xukumeen laba beelood oo walaalo ah oo wada degan koonfurta Sool oo shaqaaqooyin khasaare dhimasho sababtay ay dhowaan ku dhexmartay gobolka Sool.
Kulankii lagaga dhawaaqay xukunka, waxa ka soo qaybgalay Weftigii ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, maamulka gobolka Sool, madax-dhaqameed iyo waxgarad kala duwan oo ka socday labada ardaa ee koonfurta Sool ku diriray.
Guddoomiyaha Guddidii culimadda Sh. Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil ayaa sheegay in Beesha Khayr Cabdi (Qayaad) lagu xukumay inay bixiyaan magta 13 nin oo dhimasho ah, oo magtoodu tahay 1300 oo Halaad.
Halka Beesha Habararsame iyagana lagu xukumay inay bixiyaan magta 6 nin iyo Gabadh oo lagu xaqay 650 halaad.
Guddoomiyaha Guddida culimadda Sh. Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil wuxuu sheegay in labada dhinac ay magtaas ku bixin doonaan muddo lix bilood ah oo ku eg 8/4/2019ka.
Sidoo kale, waxa Guddidu ay muddo saddex bilood ah oo ku eg 8/1/2018 dib u dhigeen dhaawacyada ay isku sheegteen labada beelood. Waxa Kaloo qoddobada xukunka ka mid ah laba baabuur oo la isku celinayo iyo xukunka guryo labada dhinac kala gubeen.
Cuqaasha labada ardaa ayaa caddeeyey inay fulinayaan 11-ka qoddob ee lagu kala xukumay oo ku salaysan shareecadda islaamka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ammaanay guddidii culimada ee kala xukumay beelahaas iyo madax-dhaqameedkii isku hawlay in la soo afjaro colaadii dhex martay beelaha walaalaha ah.
Waxa kaloo Guddoomiye Baashe uu ku bogaadiyey xukuumadda Somaliland inay kaalin weyn ka qaadatay nabadeynta beelaha koonfurta gobolka Sool, waxaanu xusay in wasiirka Daakhiligu uu dedaal badan geliyey sidii loo soo afjari lahaa colaadaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa balanqaaday in xukuumaddu ay si buuxda u ilaalinayso fulinta go’aamada lagu kala xaqay beelahaas,waxaanu u mahad celiyey cid kasta oo ka qaybqaadatay daminta colaadii khasaaraha dhalisay ee dhex martay labadaas ardaa ee ma-huraanka ah.