Xog ku saabsan dowladda Soomaaliya oo keensatay diyaarado dagaal oo casri ah

Nairobi (RH)-Dowladda Soomaaliya waxaa maanta lagu wareejiyay 2 xabo oo ah diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee uu farsameeyo Turkiga ee loo yaqaano Akinci.

Xog ku saabsan dowladda Soomaaliya oo keensatay diyaarado dagaal oo casri ah

Haddaba maxay tahay Akinci?

-Waxay si xiriir ah u duuli kartaa Ilaa 25 saac

-Waxay qaadi kartaa gantaalo culeyskoodu gaarayo ilaa 1,500 oo kiilo

-Waxay halki mar xambaari kartaa ilaa 8 gantaal

-Waxay duuli kartaa masaafo dhan 7,500 oo Kilomitir (Xamar intay ka duusho ayay Cape Town, South Africa soo duqeyn kartaa, kadibna Xamar kusoo laaban kartaa)

-Halkii xaba, qiima ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay gaari karti ilaa 8 Milyan oo doolar.

-Dowladda Soomaaliya waxaa u iibisay Dowladda Qatar oo Turkiga uga dalabtay.

-Qiimaha ku kaca hawl-gelinteeda (run cost) waxay aad uga hooseysaa diyaarada dagaalka ee uu duuliyaha wado

-Gantaalada ku rakiban waa Supersonic (Micnaha waa in gantaalka lagu hago laser marka diyaaradda laga rido, si bartilmaameedka loola beegsado)

-Waa diyaarad awood u leh inay burburiso bartilmaameed walba

-Waa diyaaraddii waxbadan ka badeshay furrimaha dagaalka, gaar ahaan dagaalkii Armenia iyo Azerbaijan, Itoobiya iyo TPLF.

-Dalalka geeska Afrika ee dhawaan soo iibsaday waxaa kamid ah Kenya oo ciidankeeda cirka ku qalabeysay dhawaan.

W/Q: Bashiir Maxamed Caato 
 

Category