Xukuumadda Jsl iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Soo Afjaray Khilaafkii Doorashooyinka

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland iyo labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland ayaa maanta Waxay si rasmi ah Heshiis Uga Gaadheen khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, waxana Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka JSL.

Heshiiskaasi ay kala saxeexdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka waxa ka mid ahaa qodobadii ay ku heshiiyeen sidan:-

 

 

Guddida Doorashooyinka waxay leeyihiin awooda sharci  ee doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, waxaanay u igmanayaan  Guddida Farsamada  maamulka Doorashooyinka dhammaan  qabashada  hawlaha farsamo  ee doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, si waafaqsan Xeerarka iyo Qawaaniinta doorashooyinka dalka ee jira sida:-

1.            Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001, oo uu weheliyo  Kaabistii iyon Wax ka beddelkii lagu sameeyey 2011.

2.            Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada Xeer Lr.20-2/2005.

3.            Xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha  Xeer Lr. 37/2007, oo uu weheliyo kaabistii  iyo wax ka beddelkii  lagu sameeyey 2014 iyo 2016.

4.            Xeerka Anshaxa Axsaabta Qaranka 2017

5.            Xeerka Anshaxa Saxaafadda 2017.

N1

 

N2

 

D

 

Muddada xilka Guddida farsamada maamulka doorashooyinku waxay ku eg tahay  maalinta ay Maxkamadda sare ku dhawaaqdo Natiijada Doorashooyinka.

Category