Xukuumada Somaliland Oo Sheegtey Inay Dalka Dibadisa U Direen Dheecaanada 11 Ruux oo looga Shakiyey Covid-19

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in 11 qof oo looga shakiyey xannuunka Covid-19 dhiigagooda iyo dheecaanadooda dalka dibadiisa loo diray, welina ay sugayaan natiijada ka soo baxaya.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo arrintaasi ka hadlaysaana waxa ay sheegtay in 24-saacadood ee ugu danbeeyay ay xuduudaha Somaliland ka soo galleen laba kun oo qof.”ILLAAHEY mahadii weli waxaa aynu taaganahay halkii hore, kiisaska aynu weli heyna waa shantii kiis uun, kiisaska aynu shaybaadh dibadeed u dirnay waa 15-kiis oo aanu jawaab deg degga ka sugeyno, lanbarka guud ee la baadhay ee xannuunkan laga eegay waa boqol iyo sagaal iyo sodon qof, shalay dadka xuduudaha ka soo gudbay ee xannuunkani laga eegay waa kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo sideetaan ruux, qof kaliya oo lagu arkay xumad ama calaamadihi ma jirto dadkaasi, ma jiro qof xannuunkaasi u dhintay oo ay wasaaraddu diwaangelisay, mana jiro qof xannuunkaasi u jiifa oo cisbitaalka yaala”Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland

 

Category