Xogo Qarsoonaa Oo Laga Helay Wasiirradii DDSI Ee Lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(RH)Kadib Markii toddobaadkan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay Laba Wasiir oo ka tirsanaa xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hogaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay)

Labadan Xubnood oo kala ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen xubnaha ugu dhawdhaw Madaxweynihii xilka iska casilay ee Cabdi Maxamuud Cumar kuwaasi oo loo aanaynayo in ay qayb weyn ka ahaayeen dhibaatooyin badan oo shacabka deegaankaasi ka tirsanayeen Maamulkaasi.

Labadan Wasiir ee Hargeysa lagu qabtay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen 9-kii xubnood ee dhawaan laga saaray Guddida Fulinta Xisbiga Shacabka Dimuquraadiga Soomaalida Itoobiya lana sheegay in baadhitaan la galinayay oo ay xukuumada dhexe il gaar ah ku haysay.

 

Xogaha aanu ka helnay labadan Nin ayaa waxa ay tibaaxayaan in Wasiirkii Caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi oo ka mid ah labadan nin ee gacanta lagu dhigay uu ahaa nin halis ah, dhalasho ahaana ay aad isugu dhawaayeen Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay) kaasi oo dhinaca kale ka mid ahaa hogaanka kooxda Heego lagu magaaco oo ahayd koox uu aasaasay Cabdi Ilay, in badana shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya aad uga qaylin jireen falalka ay ku kacaan. Kuwaasi oo falalkii ugu xumaa ka gaystay Kililka 5aad, madaxdoodiina inta badan firxad ku jiraan kadib markii ay dawladda dhexe ee Itoobiya bilawday in ay daba gal iyo baadhis ku samayso kooxdaasi. Wasiir Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi ayay xogahani tibaaxeen in uu qayb weyn ka ahaa gabood falladii Kililka ka dhacay maadaama uu dawladda Deegaanka u qaabilsanaa Caddaaladda oo ay inta badan maxkamadaha iyo xabsiyadu hoos imanayeen, meelahaasi oo ay shacabku ka tirsanayeen tacadiyo weyn. Dad badan oo Kililka shanaad u dhashay ayaa aaminsan in Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi oo ka mid ahaa baarqabbada sida weyn saamaynta ugu lahaa maamulkaasi iyo wixii uu gaystay.

Dhinaca kale Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab waxa uu ahaa Wasiirkii Waxbarashada Kililka shanaad waana xubinta kale ee Hargeysa lagu qabtay eel ala qabtay ninkan hore. Wasiir Ibraahim oo la sheegay in uu ka soo jeeday qabiilka Gari ayaa isna la sheegay in uu ahaa nin aad ugu dhaw Cabdi Ilay kaasi oo isaga si gaar ah loogu eedeeyey in uu ka mid ahaa masuuliyiintii Jigjiga kacdoonka ka sameeyey aadna uga soo hor jeeday nidaamka dalkaasi Itoobiya galay, iyada oo ay xusid mudan tahay in qabiilka uu ka soo jeedaa si weyn isugu dhacsan yihiin Oromada.

Ugu dambayn xogtani waxa ay tibaaxaysaa in mid ka mid ah labadan masuul uu Hargeysa ku leeyahay guri weyn oo Fiilo ah oo ay qoyskiisa qaybo ka mid ahi horeba u deganaayeen.

Illaa imika lama oga tallaabada xukuumadda Somaliland ka qaadayso labadan masuul ee maamulka Kililka hore uga mid ahaa iyo in ay u gacan galin doonto nidaamka wakhtigan halkaasi ka dhismaya

Category