Xildhibaannada baarlamaanka oo meel mariyay hey'adda bixisa dhismaha diiwangalinta

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hey'adda bixisa dhismaha diiwangalinta iyo aqoonsiga daweynaha.

Kulanka oo shir guddoominayay afhayeenka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay 143 xildhibaan, waxaana ay badi meel mariyeen in la dhiso hey’adda diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed, mana jirin xildhibaan ka aamusan ama diiday hindise sharciyeedkan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa gunaanadkii sheegay in sharcigan uu ansax yahay, waxaana xildhibaannada ay galeen akhrinta labaad hindise-sharciyeedka hey’adda socdaalka, iyada oo lagu balamay in dib la isugu soo laabto.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category