Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ka hadlay sababta in ka badan 7kun oo arday ay gobalka Banaadir ka dhaceyn imtixaanka

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa natiijada imtixaanka dugsiga sare oo shaley la shaaciyay.

Waxaana soo baxaya in kumanaan arday ay sannadkan ku dhaceyn imtixaanka.
Haddaba sababtu maxay tahay.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa saxaafadda u sheegay in ay jiraan sababo keenaya in ardayda gobalka Banaadir ay ku dhacaan imtixaanka, waxaana uu yiri waxaa ka mid ah sababahaas in ay jiraan cilado u gaar ah ardayda gobalka Banaadir in ay imtixaanka ku dhacaan.

Waxaa u dilaacay iskuulo si gaar ah loo lee yahay oo badan oo ganacsi ku jira oo ardayda bootbootsiiya saasna ardayga lagu geeyo dugsiga sare"ayuu yiri wasiirka.

Mar uu wasiirka ka hadlayay tirada imtixaanka ku dhacday in gobalka

"Ardayda dhacda guud ahaan waa sideed kun iyo jajab, magaalada Muqdisho waa magaalada ay ardayda ugu badan ee imtixaanka dugsiga sare ay galeen waaye, haddana waxaa dhacay wax ka badan 7 kun oo arday."sidaas waxaa yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay billowday in ay diiwangaliso tirada ardayda Soomaaliyeed laga soo billaabo fasalka koowaad ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare hadda kadibna uusan imtixaan gali doonin arday aan diiwangashneen ama si qaladan loo soo baasiyay.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo natiijada imtixaanka dugsiga oo gobalka Banaadir ardaydiisa ay u badnaayeen kuwa ku dhacay imtixaanka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category