Wasaarada  Caafimaadka JSL Oo Beenisay inay  Fadhiisteen Mashiinadii Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa(RH)Wasaaradda Caafimaadk Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beenisay in ay fadhiisteen mashiinada lagu sifeeyo kelyaha xilliga ay shaqada joojiyaan kuwaasi oo looga imaan jiray qaar ka mid dalalka jaarka .

 

f

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somalilland , Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo si kooban Arintaasi uga Hadley ayaa Meesha ka saaray warar sheegayey in ay fadhiisteen mashiinada lagu sifeeyo kelyaha waxaanu yidhi: “Mashiinada kelyaha lagu sifeeya way inoo shaqaynayaan ee soo eega oo tagga waata bukaanka loogu shaqaynaayo markaa mashiinadu madaama ay inoo shaqaynayaa oo dadkii u sifaynayaan ilaa dhawr iyo toban mashiin , mashiinka fadhiista waynu hagaajinaynaa laakiin mashiinadu dhammaan way inoo shaqaynayaan ‘ ayuu yidhi

 

 

Category