Waa sidee xaaladda Muqdisho oo shaqaaqo ay ka dhacday xaley

Muqdisho (RH)-Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah deggan, kaddib markii dagaal culus uu ka dhacay shaley galabtii iyo xaley.

Illaa saaka ma jirin wax iska hor imaad ah oo magaalada ka dhacay, sidoo kale waxaa si cabsi ah loo furay goobaha ganacsiga ee magaalada.

Sidoo kale, goobaha ay joogaan mucaaradka ayaa ciidamada ku sugan waxa ay ka qoteen dhufeyso iyagoo diidan muddo kordhinta madaxweyne Farmaajo uu dhawaan baarlamaanka u sameeyay ee labada sanno.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in agaagaga dhufeyska laga qotay ay ku yaalaan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Cabdicasiis halkaaso ay daggan yihiin iminka qaar ka mid ah musharixiinta, waxaana halkaas lagu arkayaa rag hubeysan oo sita dharka ciidamada.

Odayaasha magaalada Muqdisho ayaa wada dedaalo lagu joojinayo colaadda magaalada, sidoo kale wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa hadda la kulmaya midowga musharixiinta kuwaasoo kuwada hadlayaa aalada fogaan aragga ee Zuumka.

Dagaalladii shaley iyo xaley waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray dadka shacabka iyo dhinacyadii dagaallamayay, sida saraakiisha gurmadka degdeggu sheegeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category