Waa maxay fariinta uu siday Amiirka Qadar oo dalkiisa la amaanay?

Dooxa (RH)-Qadar waxaa xaley lagu soo gabagabeeyay koobka adduunka ee 2022-ka, waxaa la qiray inuu ahaa kii ugu xiisaha iyo xamaasad badnaa tan iyo markii koobka la billaabay 1930-kii, waayo dalkan yar ee Khaliijka wuxuu bannaanka u saaray arrimo badan oo shaki la galiyay ka hor cayaarta iyo kadibba.

Haddaba, Amiirka dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa habeenkii xaley xaqiijiyay in Qatar ay ka dhabeysay ballan-qaadkeedii ahaa inay qaban karto tartan aan caadi ahayn oo ka dhacay markii ugu horreysay taarikhda dal carbeed oo Islaam ah, waa koobka 2022, kaasoo ay ku guuleystay kooxda Argentine.

Sheekh Tamim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri sidan “Waxaan hambalyo u dirayaa xulka qaranka Argentina oo ku guulaystay koobkii adduunka iyo xulka qaranka Faransiiska oo kaalinta labaad galay, waxaanan dhammaan kooxaha ka qeybgalay koobka uga mahad-naqayaa sida quruxda badan ay u cayaareen koobka adduunka iyo taageerayaashii si xamaasad leh u dhiirigeliyay."

Qoraalka Amiirka

Amiirka Qatar ayaa intaa ku daray "Waxa aan ka dhabeynay ballantii aan qaadnay ee ahaa inaan qabanqaabinayno tartan aan caadi ahayn oo lagu qaban doono wadamada Carabta, kaasoo fursad u siinaya shucuubta caalamka inay wax ka bartaan qaninimada dhaqankeena iyo asalka qiyamkeena”.

Intii lagu guda jiray xafladdii lagu soo gabagabeenayay koobka adduunka ee 2022-ka oo ka dhacday garoonka Lusail Stadium, ayaa Sheekh Tamim waxa koobka Adduunka ku wareejiyay kabtanka Argentina Lionel Messi, isagoo xirnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka dalka Qatar ka hor inta aysan cayaartoyda kale ee xulkiisa raacin si ay ugu dabaaldegaan markii saddexaad taariikhda oo ay ku guuleystaan koobkan.

Ciyaarta ugu danbeysay ee ka dhacday Lusail Stadium ayaa waxaa joogay 88,966 qof waana arrin aan caadi ahayn, sida ay saxaafadda cayaaraha ka faalooda ay ku warrantey, waxaana daawanayay kumanaan kun oo qof ku sugnaa magaalada Dooxa iyo meelo kale oo dunidda ah oo kala socday talefishanada iyo taleefonada casriga ah ee gacanta lagu qaato.

Si kastaba, inta badan cayaartoyda xulka Argentina ayaa ooyay ka dib markii ay ku guuleysteen koobkii saddexaad taarikhda, waxaana ay qirteen inay dhibaato badan kala kulmeen xulka Faransiiska, ka dib cayaar la isku riiqmay oo xiiso lahayd oo lagu go'aamiyay rigoorayaal ka dib markii ay 3-3 ku kala baxeen ciyaartii asalka ahayd iyo waqtigii dheeriga ahaaba.

Goolhayaha xulka Argentina Emiliano Martinez ayaa sheegay in kooxdiisu ay halgan adag u gashay sidii ay ugu guuleysan lahayd una qaadi lahayd Koobka Adduunka markii saddexaad ee taariikhda dalkiisa, waana markii ugu horreysay tan iyo 1986kii.

W/Q: Maxamed-Kaafi Cali Muumin

Saxafi ka faalooda cayaaraha kubadda cagta

Mogadishu-Somalia

 

Category