TikTok: Gabadh loo xidhay muuqaalo ay soo dhigtey barteeda bulshada

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Masar ka dalbaday inay xabsiga kasii deyso koox dumar ah oo saameyn ku dhex leh baraha bulshada, kuwaasoo dhawaan loo xirxiray sameynta muuqaallo 'wax u dhimaya shuruucda qoysaska u yaalla ee dalka Masar'. 'Gabdhaha Tiktok' ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay shaaciyeen muuqaallo baraha bulshada la iskula wadaagay oo muujinaya iyagoo qoob ka ciyaar sameynaya, dhar gaar ahna xidhan. Shan ka mid ah ayaa horayba loogu xukumay middiiba labo sano oo xabsi ah.

"Waan argagaxnay markii aan maqalnay arrinta. Wax khaldan ma aysan sameynin gabadheenna - walaashey ma aha dambiile. Kaliya waxay rabtay inay caan noqoto oo ay dad badan kusoo xirmaan," ayey tidhi Raxma, oo ah da'dii ka weyneyd gabadha lagu magacaabo Mawada Al Adham, oo muuqaal ay baraha bulshada soo galisay awgiis loogu xukumay labo sano oo xadhig ah.

Mawada, OO 22 jir ah, waa ardayad dhiganeysay jaamacadda, waxaana loo xukumay inay ku xad-gudubtay sharciga akhlaaqda qoysaska dalka Masar.

Waxaa xabsiga loo taxaabay bishii May ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay muuqaallo soo galisay Tiktok iyo Instagram, waxaana laga arkayaa iyadoo bishimaha la raaceysa heeso islamarkaana ku ciyaareysa dhar kuwa gabdhaha kuwa gabdhaha wax xayeysiiya xidhaan ah.

Dacwad oogeyaasha ayaa muuqaalladeeda ku tilmaamay kuwo aan waafaqsaneyn dhaqanka bulshada.

"Hooyadey sariirta kama soo dagi karto hadda. Xilli kasta way oysaa. Mararka qaar saqda dhexe habeenkii ayey soo kaceysaa iyadoo na weydiineysa in Mawada ay guriga kusoo laabatay," ayey tidhi Raxma.

'Gabdhaha TikTok'

Haneen Hossam waa gabadh kale oo la xidhay

Mawada waxay ka mid tahay shan gabdhood oo lagu riday xukun la mid ah keeda, waxaana usii raacsan ganaax lacageed oo ku dhow $20,000.

Shantoodaba waxaa loo yaqaannaa 'Gabdhaha Tiktok', waxaana ku jira haweeney xiddig ka ah baraha bulshada oo lagu magacaabo Haneen Hossam, iyo saddex kale oo aan magacyadooda la shaacinin.

Raxma waxay sheegtay in walaasheed ay baraha bulshada dhar ugu xayeysiin jirtay dhowr shirkadood.

"Rajo fiican oo mustaqbal ah ayey lahayd. Waxay ku riyoon jirtay inay atariisho noqoto."

Sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International, dacwad oogeyaashu waxay Mwada u adeegsadeen 17 sawir oo ay iyada leedahay, kuwaasoo ay caddeyn uga dhigteen kiiska ay kusoo oogeen.

 

Laakiin Mawada waxay sheegtay in sawirradan la shaaciyay kaddib markii telefoonkeedii laga xaday sanadkii lasoo dhaafay.

'Maxaa iyada loo bartilmaameedsaday?'

Mawada walaasheed waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay waxa ku dhacay gabadhooda

Racfaan ayey qoyskan qaateen 17-kii bishan August, Raxmana waxay rajeyneysaa in walaasheed xukunka laga khafiifin doono, ugu yaraan.

"Maxaa iyada loo bartilmaameedsaday?! Waxaa jira atariishooyin badan oo ku jira baraha bulshada. Cid kuwaas taabata ma jirto," ayey tidhi iyadoo si cadho leh u hadleysa.

Mawada way suuxday markii ay maqashay xukunka ku dhacay, sida uu sheegay qareenkeeda, oo lagu magacaabo Axmed Bahkiry. "Aad bay u niyad jabsan tahay - xukunkan aad buu ugu adag yahay.""

Xabsiga wuxuu abuuraa dambIiileyaal. Dowladdu waxay xitaa taas baddalkeeda u diri kartay goob dhaqan celin ah."n xabsi la galiyo xal ma aha, xitaa haddii muuqaalladeeda ay kasoo horjeedaan akhlaaqda bulshadeenna. "Xorriyadda hadalka

ccdde

XIGASHADA SAWIRKA,INSTAGRAM/MAWADA_ELADHM

Masar waa waddan ay shacabkiisa aqlabiyad ku leeyihiin muslimiinta, akhlaaqdana laga ilaaliyo. Dadka qaar waxay muuqaallada Tiktok u sameeyaan qaab waafaqsan anshaxa bulshada.

Hase yeeshee gabadhan ayaa lagu eedeeyay inay muuqaalladeeda u xidhatay dhar aad looga arkayo jidhkeeda.

Dadka qaar waxay ku doodayaan in gabdhahan ay iska damaashaadayeen, oo aysan u qalmin xabsi.

Mawada waxay shar u xayeysiineysay dhowr shirkadood, sida ay walaasheed sheegtay

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqaya in gabdhahan lasii daayo. Waxay ku doodayaan in xadhigooda uu yahay tallaabo kale oo ay dowladda u qaadday cabudhinta xorriyadda hadalka.

Waxaa kale oo ay dowladda Masar ku dhaliilayaan inay dooneyso sidii ay u xukumi lahayd waxyaabaha ku baxa baraha bulshada.

Tan iyo markii uu madaxweynaha ay milatariga taageersan yihiin ee Abdel Fattah Sisi xukunka qabsaday sanadkii 2014-kii, hay'adaha xuquuqda aadanaha ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba waxay dowladdiisa ku eedeeyeen inay gacan bir ah ku qabato shacabka.

 

xigasho BBC

Category