Soomaaliya oo soo dhaweysay cunaqabateyn la saaray hoggaamiyayaal ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay tallaabo ay qaadeen golaha ammaanka ee QM, kuwaasoo u cunaqabateyn ku soo rogay saddex ka tirsan hoggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dowladda in ay soo dhaweeneyso go'aanka Qaramada Midoobay, uuna wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bogaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab codsigeenna. Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mamnuucid socdaal,“ayuu yiri wasiirka warfaafinta Daa’uud.

Hadalka wasiir Daa'uud ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan golaha ammaanka QM ay cunaqabateen ku soo rogeen saddex ka mid ah hoggaamiyayaasha ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka qaybqaataan maalgelinta, fududaynta, dagaallada, diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category