Shir ku saabsan doorashada oo Muqdisho uga socda DF iyo beesha caalamka

Shir ku saabsan amniga doorashooyinka dalka ayaa ka soconaya xerada Xalane iyadoo la doonayo in laga arrinsado sidii loo qurxin lahaa wakhtiga doorashada ee fooda nagu soo haya.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda dowladda Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir, wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Dowladda Mareykanka.

Waxaa la doonayaa in hay’adaha amniga Soomaaliya ay la wareegaan sugidda amniga goobaha ay doorahsooyinka ka dhacayaan, iyadoo bartamaha bishaan ay bilaaban doonto doorashada aqalka sare.

Bishaan Octoobar ilaa laga gaaro bisha February waxaa socon doonta doorashooyin kala duwan, iyadoo uu jiri doono mashquul badan, waxaana hay’adaha amaanka Soomaaliya laga doonayaa iney sugaan amniga doorashooyinka guud ee dalka.

Category