Shil gaari ayey ku dhimatay iyadoo raacdeesaneysa ninkeeda

Calabar (RH)-Booliska ayaa xaqiijiyay in ay geeriyootay haweeney magaceeda aan la sheegin, taasoo Axaddii shaley shil gaari ku gashay magaalada Calabar ee dalka Nigeria.

Sarkaal booliska u hadlay oo la yiraahdo, Mr Maikano Hassan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Nigeria (NAN), in haweeney da’da dhexe ku jirtay ay geeriyootay iyadoo gaari ku raacdeesanaysa ninkeeda oo la socday xilligaas gabar ay uga shakisay inuu shukaansanayay ama uu ka dhexeeyay xiriir.

Haweeneyda geeriyootay ayaa ninkeeda iyo gabadha uu la socday ku aragtay goobo suuq ah, halkaasoo iska soo racay, kadibna gaari kale ayey ku soo raacdeesatay illaa markii ugu dambeeyay ay qadka kabaxday oo ay shil ku gashay goob bohol ku taala wadada weyn.

Ninka ayaa markii uu arkay in gaariga raacdeesanaya ay wadato xaaskiisa si xawaare ah u waday gaariga, xaaskiisana ay iyadana gaari xawaareysay.

Markii uu shilka uu dhacay, ayaa haweeneyda geeriyootay waxaa durbadiiba loola cararay isbitaal ku dhow goobta halkaasoo daqiiqado kadib looga dhawaaqay in ay geeriyootay.

Haweeneyda geeriyootay ayaa rabtay inta aysan galin shilka in ay dhaafto gaariga uu watay ninkeeda iyadoo si weyn u kaxeeneysa gaariga, laakin wadada ayay ka baxday.

Waa shilkii ugu xumaa ee noocisa ah oo dhawaanahan ka dhacay dalka Nigeria oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan qaaradda Afrika.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya 

Category