Sawirro: Boqor Cismaan Buur-Madow oo tegay Muqdisho lana soo dhaweeyay

Muqdisho (RH)-Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-Madow oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ugu caansan Somaliland ayaa maanta oo Axad ah tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Boqor Buur Madow waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin ay ku jiraan ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Boqor Buur Madow ayaa la sheegay inuu u yimid magaalada Muqdisho inuu ka qeyb qaato soo xulista ergooyinka dooraneysa xildhibaannada gobollada waqooyi ku meteli doona golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Boqor Buur Madow ayaa ka mid noqday 135-ta oday dhaqameed, waxaana uu bishii September uu door weyn ka qaatay xallintii khilaafkii u dhaxeeyay ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha aqalka sare, kuwaasoo isku hayay soo xulista kuraasta xildhibaannada golaha aqalka sare ee gobollada waqooyi.

Boqor BuurMadow ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, waxaana soo dhoweyntiisa ku sugaayay gegida dayuuradaha Aadan Cadde odayayaasha dhaqanka iyo dadweyne kale.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category