Roobabka Gu'ga oo ka curtay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa si fiican uga curtay roobka gu'ga waxaana wadooyinka waaweyn ee caasimadda lagu arkayaa biyo badan oo uu dhigay roobka.

Illaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo roobka uu geestay, balse waxaa jira qoysas dan yar oo ka barakacay roobka.

Meel qaar wadooyinka ayaa la sheegay in uu culeys ku yimid.in kastoo dadka magaalada ay ku diirsadeen roobka da'aya.

Magaalada waxaa labadii bil ee la soo dhaafay ka jiray kuleel darran, waxaana roobka uu ku soo aaday xilli dadka ay sooman yihiin.

Sidoo kale, deeganno badan oo ku yaalla goballada dalka ayaa laga soo weriyay in roobka gu'ga ay ka da'een waxaa ka mid ah goballadaas, Baay, Mudug, Hiiraan, Puntland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category