Raysal wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi heer qaran oo ka qeyb qaata gurmadka Muqdisho ka socda

WAR SAXAAFADEED 

Muqdisho (RH)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:
1. Dr. Cali Xaaji Aadan              Wasiirka Caafimaadka    Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali              Wasiirka Amniga Gudaha        Xubin   
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir  Wasiirka Waxbarashada                       Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac.               Wasiirka Warfaafinta                             Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye              Wasiirka Haweenka                Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada  Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW                             Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir   Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA                Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha  NEOC                             Xogheyn
Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:
1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
2. Fidinta caawimaad deg deg ah  dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka

DHAMMAAD

Category