Puntland iyo Jubbaland oo ka hadlay qodobada ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 3

Muqdisho (RH)-Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa qoraal ay wadajir u soo saareen ku sheegay in aan lagu martigalin shirkii Dhuusamareeb 3, isla markaana qodobada ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid madaxda maamullada uusan quseen.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in ay ixtiramayaan madaxda ka qeybgashay shirkaas isla markaana ay diyaar u yihiin in ay si wadajir ah looga shaqeeyo doorasho la isku raacsan yahay oo dhacda 2020.

Labada maamul ayaa beesha caalamka ku ammaanay sida dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada ay uga taageerayaan hannaanka dowladnimada dalka si ay u guuleystaan arrimaha ammaanka, siyaasadda, dowladnimada iyo horumar dhaqaale.

Warmurtiyeed

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu

Category