Puntland iyo Jubaland oo go’aan wada jir ah oo cusub kasoo saaray muranka doorashada

 Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen inay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada doorashada heer gobol ee muddo ay diidanayeen, si ay taas ugu gogol xaarto in la qabto shir lagu xalinayo muranka ka taagan doorashada.

Qodobkan ayaa ahaa mid dowladda federaalka ay ku adkeysaneysay islamarkaana shuruud uga dhigeysay inay aqbasho shirka, oo ay gadaal ka riixeyso beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay ayey Jubaland iyo Puntland ku baaqeen in shir la isugu yimaado 30-ka bisha kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxay sheegeen in dowladda federaalka ay weli ka cago-jiideyso shirkaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in beesha caalamka ay door muhiim ah ka qaadatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada, si ay taas qeyb uga noqoto qabsoomida shir lagu wadatashi oo si guud loogu xalliyo dhammaan qodobada lagu muransan yahay.

Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021, iyadoo heshiis laga gaarin qabsoomida doorashada.

Hadaba hoos ka aqriso qoraalka ka baxay Puntland iyo Jubaland. 

nnnhhju

 

Category