Ninkii booliska Maraykanku ay ku dhufteen toddobada xabbadood oo cisbitaalka farriin ka soo diray

Jacob Blake, oo ah ninkii madowga ah ee todobbada xabbadood uu ku dhuftay sarkaal boolis cadaan ah gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka bishii la soo dhaafay, ayaa muuqaal lagu baraha internet ku sheegay in uu yahay mid si joogto ah xanuun u hayo.

Mr Blake, oo, qoyskiisa ay sheegeen, in laga yaabo in uu curyaan ka noqdo yahay qaarka hoose, sidoo kale waxay raaciyeen weedh rejo ah oo ah "waxaa jira nolol aad u badan oo lagu noolaado".

29 jirkan ayaa laga toogtay dhabarka markii la qabanayay.

Dhacdadan ayaa dib u kicisay mudaaharaadyadii ka dhashay cunsuriyada iyo naxariis darrada booliska dalka Mareykanka.

Qaar ka mid ah dibadbaxyadii ka dhacay Kenosha, oo ah magaalada lagu toogtay Mr Blake, ayaa isu rogay mid rabshado wata, iyadoo labo qof lagu dilay.

Baadhitaan ku saabsan toogashada Mr Blake ayaa wali socota, oo wax natiijo ah aysan kasoo bixin.

Dhanka kale, Mr Blake wuxuu ka soo muuqday maxkamad jimcihii, isagooiska fogeeyey inaanu gelin dambiyadii lagusoo oogay ka hor inta aan la toogan

Maxaa uu sheegay Mr Blake?

Muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka qareenka qoyskiisa, Mr Blake - oo weli sariirtii jiifa isbitaalka - ayaa ka hadlay xanuunka uu la il daran yahay.

"24-kii saacba mar waa xanuun, wax kale maahan ee keliya waa xanuun. Waxaa i dhibaysa neefsashada, waxaa i dhibaysa hurdada, waxaa i dhibaysa in aan marba dhinac isu rogo, sidoo kale waxaa i dhibaysa cuntada," ayuu yidhi.

 

"Noloshaada, keliya ma aha noloshaada, lugahaaga, wax aad ubaahantahay inaad ku dhaqaaqdo oo aad horay usocoto nolosha, ayaa lagaaga qaadi karaa sidan oo kale," ayuu yiri isagoo isku garaacaya farihiisa

"Isku duubnaada, xoogaa lacag sameeya, wax walba u fududee dadkeenna halkaas jooga, ogaadana, maxaa yeelay waxaa jira waqti badan oo la inaga lumiyey, "ayuu raaciyay.

Sidee ayay u dhacday toogashadu?

Sarkaal booliis ah ayaa toogtay Mr Blake isagoo isku dayaya inuu xidho, halka isaguna uu sii fuulayey gaadhi ay dhexda ugu jireen seddexdiisa caruur ah.

Mr Blake ma uu hubeysneyn markii la tooganayay, laakiin mindi ayaa markii dambe laga helay gaarigiisa sida ay sheegeen baarayaashu.

Waxay saraakiishu sheegeen in booliska ay markaas ka falcelinayeen "dhacdo la xidhiidha qoys" balse wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa sababay toogashada.

Waaxda caddaaladda ee gobolka Wisconsin ayaa hadda baadhitaan ku wadda dhacdada. Waxay mas'uuliyiinteeda sheegeen in askartii falkaas ku lug yeelatay loo diray fasax ku yimid amar dhinaca maamulka ah.

Muuqaalka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga daawaday saddex askari oo hubkooda ku jeedinaya nin lagu sheegay inuu ahaa Mr Blake xilli uu isaguna markaas kusii socday gaadhi noociisu yahay SUV oo meel u dhow yaallay.

Markii uu albaabkii gaadhiga iska furay uu uu gudaha sii galayay, ayuu askari shaatiga kasoo jiiday rasaasna ku furay. Dhawaaqa ilaa toddoba xabbadood ayaa laga maqlayaa muuqaalka, iyadoo markaasna dad goob joogeyaal ah ay qeylinayeen.

Askartii dhacdadan ku lug lahayd wali magacyadooda lama shaacinin.

Qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo lagu magacaabo Ben Crump, ayaa telefishinka CNN u sheegay in qoyska Mr Blake ay lasoo xidhiidheen kana dalbadeen caawimaad.

Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.

Madaxweyne Donald Trump iyo musharraxa xisbiga dimuqraadiga ayaa tan intii hawshaasi dhacday kaddib booqday magaaladiisa.

Halka Mr Biden uuba taleefan kala hadlay Blake, uuna la kulmay qaraabadiisa. Waxaana uu ku baaqay in askarigii dhabarka ka toogtay la soo xidho.

Madaxweynaha ma uusan la kulmin qoyskiisa Mr Blake, isaga oo sheegay in ay ugu wacan tahay iyaga oo doonaya in qareennadoodu ay xaadir ahaadaan.

 

xigasho .BBC

Category