Nin waalan oo dad ku laayey tuulo u dhow Xarshin

Tuulada Faarax Liibaan oo qiyaastii 18km u jirta degmada Xarshin oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in nin la sheegay indhimirka uu ka xanuunsan yahay uu afar qof oo hal qoys ka wada tirsanaa ku dilay shan kalena uu ku dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada.

Ninkan oo ku hubeysnaa faas ayaa galay guriga qoyska, isagoo kaddib dilay hooyadii, aabbihii qoyska iyo labo carruur ah oo ay dhaleen.

Afar kale oo carruurta qoyskaasi ka tirsan ayuu sidoo kale dhaawac soo gaaray, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaaalka guud ee magaalada Jigjiga, iyada oo carruurta dhaawac culus uu ninkaasi u geystay qalliin lagu sameeyey balse ay weli xaaladdooda liidato.

Dhacdadan ayaa deegaanka ka abuurtay naxdin. Ninkii dhibka geystay waxaa haatana gacanta ku haya booliska deegaanka.

 

xigahso BBC

Category