Musharixiinta mucaaradka oo ku baaqay dibadbax weyn oo ka dhacayo Muqdisho

Muqdisho (RH)-Golaha musharixiinta oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku baaqay bannaanbaxweyn oo ka dhacaya 19-ka bishan oo ku beegan Jimcaha oo looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiye golaha midowga musharixiinta horreyna madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay maadama muddo xileedka hey'adda dowladda uu dhammaaday heshiisna laga gaarin doorashada dalka, in loo baahan yahay dalka in la badbaadiyo.

"Sida aan ognahay waa maalintii lixaad oo madaxweynaha xilkiisa uu dhammaaday oo haddana doorasho aysan qabsoomin, ifafaalaheedana uusan muuqan oo ah doorasho in ay dowladda qabaneyso"ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda aysan daacad ka ahayn in doorasho la qabto, waxaana uu ku baaqay in dibadbax weyn oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka Daahsoon ee bartamaha magaalada ayna ka soo qeybgalaan dadweynaha Muqdisho si ay u diidaan in dalka uusan xukumi karin madaxweynaha hadda jira.

Shirka golaha musharixiinta oo ka dhacay Hotelka Jaziira ayaa waxaa inta badan joogay golaha midowga musharixiinta waxaana ay ku baaqeen in laga soo qeybgalo bannaanbaxyada Jimcaha dhici doona.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha dowladda oo ku aadan bannaanbaxyada ay ku baaqeen midowga musharixiinta.

Muddo xilleedka madaxweyne Farmaajo ayaa ku ekaa sideedii bishan Febraayo mana jirto illaa hadda wax heshiis ah oo laga gaaray nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Dhagxaantii taalay Dabka oo la qaaday

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ayaa dhagxaantii ka qaaday isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho oo xaley la xiray, kaddib markii shaley qarax uu ka dhacay wadadda Sayidka.

In dhagxaanta laga qaado isgoyskan oo muhiim ah isku socodka gaadidka Muqdisho ayaa waxa ka dambeesay amar ka soo baxay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

"Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada"ayuu yiri raysal wasaare Rooble qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category