Muqdisho: Shirkii lagu ballansanaa in uu ka dhaco Afisyooni oo weli aan furmin

Muqdisho (RH)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ka furmin shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada.

Shirka oo ka dhacaya xeradii horre ee ciidamada cirka Afisyooni oo ku dhex taalla xeydaabka aadka loo ilaaliyo ee garoonka Muqdisho, ayay ahayd in uu xilli horre furmo laakin weli illaa hadda ma jirto wax shir ah oo si rasmi ah u furmay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xilli horre yimid goobta uu shirka ka dhacayo.

Madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa shirka ka maqan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in shir hordhac ah ay yeesheen madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo madaxda maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed isla markaana shirka uu si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socda.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Maxaa looga hadlayaa shirka

Ajandayaal loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in shirka oo socon doono labo cisho, in maalinta koowaad looga hadli doono kalsooni dhisida madaxda ka qeybgaleysa iyo in la dhageysto guddiyada farsamada ee ku shiray Baydhabo bandhigaan shirkii ay yeesheen.

Si kastaba, waxaa jira dedaalo ay wadaan danjirayaasha QM iyo Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, kuwaasoo ay ku doonayaan in shirka ay ka qeybgalaan madaxda maqan ee Puntland iyo Jubbaland.

Shirka ayaa la filayaa in maanta galinka dambe uu furmo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category