Muqdisho oo lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan COVID 19

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah lagu soo bandhigay daraasad laga sameeyay sida uu xanuunka safmaka ah ee COVID 19 u saameeyay Soomaaliya.

Bandhigga daraasadda waxaa ka qeybgalay, duqa Muqdisho, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo madax ka socota QM iyo beesha caalamka.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in daraasaddan laga sameeyay guud ahaan goballada dalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa sheegay xanuunkan sida uu sameeyay waddamada caalamka uusan saameyn Soomaaliya, balse waxa uu qiray in maamulkiisa uu sameeyay dedaalo badan oo looga hortagayo xanuunka.

In ka badan 4kun oo kiisaska Corona Feyris ayaa guud ahaan laga helay Soomaaliya, waxaana u dhintay dad ka badan 100 ruux.

In kastoo waddamo badan oo caalamka uu ku sameeyay xanuunkan wareeg labaad, haddana dadka Soomaaliyeed ma ahan dad muujinaya taxadar iyo walaac ku saabsan in weli xanuunka uu ka jiro dalka, waxaana goobaha dadweynaha ku kulmaan la arkayaa dad kooxo u fadhiya iyo kuwa aan xirneen af saarka.

Masuuliyiinta ka qeybgalay daraasadda Ajaaniibta joogay kulankaDaraasadda la soo bandhigayAjaaniibta jooogay kulanka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category