Maxaa ka jira in Cabdirashiid Janan iyo dowladda uu wadahadal u socdo?

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo waxay sheegayaan inuu jiro wadahadal u dhexeeya Dawladda Federaaalka iyo wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashid Janan kaas oo la doonayo in xal looga gaaro dagaalladii labada dhinac ku dhexmaray degmada Beledxaawo.

CabdirashidJanan ayaa BBC u xaqiijiyay in wadahadallo uu u socda isaga iyo dowladda balse wax heshiis aanan weli la gaarin.

Horraantii sanadkan ayay markii Beledxaawo uu ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka amar qaata Janan iyo ciidamada dowladda federaalka.

Waxaana dagaalkaas ka dhashay khaasare isugu jiro dhaawac iyo dhimasho.

Xiggasho: BBC

Category