Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii ugu horreyay ku tegaya Imaaraadka

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Axad ah u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Waa safarkii ugu horreysay oo madaxweyne Xasan Sheekh ku tego Imaaraadka tan iyo markii xilka loo doortey 15-kii bishii May ee sannadkan, sidoo kale waa safarkii ugu horreeyay ee dibedda uu ku aado.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka oo sida la sheegay ah qaadan doonta laba maalin, ayaa waxa uu la kulmi doonaa amiirka dalka Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahya.

Madaxweynaha iyo madaxda Imaaraadka ayaa ka wadahadli doona arrimo badan oo ay ku jirto xoojinta xiriirka diblumaasiyadda ee labada dal.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya maaheyn mid wanaagsan, waxayna labada dal uu mad madow soo kala dhexgalay intii uu talada joogay madaxweyne Farmaajo, Soomaaliya oo mowqif ahaan sheegtay in khilaafkii Khaliijka ay meel dhexe ka joogto ayaa haddana ficil ahaan u muuqatay mid ku dhow dowladda Qatar.

Xasan Sheekh oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Si kastaba, Xasan Sheekh oo dowladdiisa ay qaadatay hal ku dhigga ah "Soomaali heshiis ah duniddana heshiis la ah" waxaa horyaalla xal u helidda siyaasadda arrimaha dibadda iyo u dhug yeelashada dalal isdiidan oo mid walba Soomaaliya ka raadinayo in uu la noqdo xulufo siyaasadeed. Waxaa la eegayaa hannaanka loo wajaho Qatar iyo Imaaraad oo mid walbaba Soomaaliya xiriir taariikhi ah uu lalahaa iyo Masar iyo Itoobiya oo iyaguna is-haya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category