Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq U Diray Bulshada Magaalada Laascaanood

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanu tacsi u direy ehelka marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo dadkii kale maalintii shalay ku geeriyooday rabshado gudaha magaalada ka dhacay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa uu sheegay in Allah ha u Naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi cadowga Somaliland dileen,isla markaana ahayd dhacdo xun oo bulshada gobolka iyo guud ahaan Somaliland si weyn uuga damqadeen geeridiisa.

Waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyeynayaa oo Somaliland, oo dhammina ka xun tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood ,waxa buuqii laascaanood inagaga dhintay saddex qof, waxana inaga dhaawacmay Sagaal, waana mushkilad naxdinteeda leh oo aynaan filayn, waana la qaybsanaynaa xanuunkii ay dadkaasi ka dhinteen, meel ay joogaanba, arrinaas soo noqnoqotay ee haldoorka laascaanood lagu beegsanayaana waa arrin u baahan in wada-jir isugu wada tagno oo helno halka ay ka socoto.”

Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka reer laascaanood, dhalinyarada, waxgaradka inaanay fidmada cadowgu innagu soo dhextuuray, dhibaato ka badan aynaan isku gaadhsiin, isla markaana sheegay in dhexdeena oo dhibaato ka dhacdo aanay daweynayn ee midnimadeena daweynayso.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta xukuumadda gobolka Sool ku sugan iyo maamulka degmada Laascaanood ba ugu baaqay inay si degdeg ah uga hawgalaan sidii loo soo afjari lahaa dhibka Laascaanood ka taagan, xukuumadda iyo dadweynuhuna iyaga oo midaysan dhexda u xidhaan soo afjaridda beegsiga lagu hayo haldoorka reer Sool.

 

 

Category