Kulankii ugu horreeyay oo ay yeesheen Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, maamulka gobalka Banaadir iyo maamul goballeedyada kaasoo looga hadlayo doorashooyinka waqtigooda dhammaaday.

Waa kulankii ugu horreeyay oo dhamaan ay qeybgalaan dhincyada tan iyo markii uu fashilmay shirkii ka dhacay bishii Febraayo magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, waa markii ugu horrreysay oo madaxweyne Farmaajo uu la kulmay madaxda maamul goballeedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku dhawaad 3 toddobaad ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa shirka ka qeybgalay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa looga hadlay sidii uu u furmi lahaa shirka rasmiga ah ee looga hadlayo khilaafka hareeyay arrimaha doorashooyinka.

Madaxdan in muddo ah ma aaney ka qeygalin.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category