Jawaabtii baadhitaanka weerarkii xabsiga Muqdisho oo lasoo bandhigay

Guddi ay dawladda Soomaaliya u xilsaartay baaritaanka weerarkii xabsiga ayaa qiray in maxaabiista ku jirtay xabsigaasi ay hub dibedda ka heleen.

Guddigu waxay sheegeen in hub iskugu jira rasaas iyo bastoolado iyo bambooyin ay maxaabiistu heleen 8 iyo 10 kii Ogosto. Weerarka ayaa dhacay 10-kii Ogosto.

Guddigu waxay sheegeen in hubkaasi lagu dhex qariyey hilib iyo jawaan ay ku jirto liin.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in la xiray 12 ka mid ah ciidanka asluubta oo lagu kala eedaynayo fududayn iyo dayacaad. Waxaa kaloo la qabtay lix qof oo shacab ah oo lagu tuhunsan yahay inay hubka fududeeyeen. waxaa sidoo kale dadka lagu tuhunsan yahay inay ka qaybqaateen weerarkaas ku jira 9 maxbuus.

 

xigasho. VOA

Category