Isku day cusub oo dad badan oo shaqooyin haysta lagu dejinayo Skovparken

RH Kolding: Si loo helo dad badan oo shaqooyin rasmi ah haysta si ay u degaan xaafadda Skovparken ee magaalada Kolding, shirkadda guryaha ee AAB ayaa bilaabi doonta inay gasho qandaraasyo gaar ah oo kiro ah dhammaan jaranjarooyinka lala galayo xaafada  waxaaney la galidoontaa shaqo-bixiyeyaasha waaweyn.

Sidan oo kale, AAB ayaa Kaalinteeda qaadan doonta  inta lagu guda jiro dadaalka looga saarayo aagga xaafada la deggan yahay liiska geetooyinka ee lagu muransan yahay.

Mid ka mid ah shuruudaha ay tahay in la buuxiyo ayaa si sax ah u ah inay jiraan tiro cayiman oo shaqaale caadi ah oo aagga dajiyo si looga fogaado shaabadda geetooyinka.

Way cadahay in markay tahay inaad isdhexgal sameyso, ay tahay faa iido aad u weyn inaad u dhawaato dadka qaar oo ku caawin kara si aad wax badan uga ogaan karto bulshada dheenishka.

Isbitaalka Kolding iyo AMU Syd ayaa durba muujiyey xiisaha ay u qabaan in heshiisyada noocan oo kale ah, qorshuhuna wuxuu yahay in hadda la sameeyo qorshe afar sano ah oo tijaabo ah, kaasoo u baahan inogolaanshiiyo looga helo wasaaradda guryaha.

Sharciga hadda jira ee dhismaha guryaha aan macaash doonka ahayn ma oggola heshiisyada noocan oo kale ah.

 

ishawarkan . jv.dk

Category