Guuleed Barre: Madaxweyne Deni “Waxaan isku fahmi waaynay qaabka ay shaqada ku soconeyso”

Garowe (RH)-Guuleed Saalax Barre oo dhawaan iska casilay xilkii gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sheegay intii ay ku gudo jireen howsho doorasho ay soo wajaheen caqabado kala duwan.

Wuxuu sheegay sidoo akle sheegay inay gaareen guulo muhiim ah.

Wuxuuna dhanka kale xukuumadda Puntland ku eedayay in wax ay ka socon waayeen isla markaana ay isku fahmi waayeen waxyaabo badan oo la xiriira doorashada.

“Shaqada waxay ka socon weyday dhinacii xukuumadda, waa garan kartaa shaqo doorasho ma ahan wax guddiga oo kaliya ah ku koobana” ayuu yiri guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland oo BBC-da wareysi siiyay.

Guuleed Saalax Barre ayaa hadalkan ka sheegay wareejinta xilka ay iska casileen isaga iyo ku xigeenkiisa.

 “Madaxweynaha iyo anagu waxaan isku fahmi waaynay qaabka ay shaqada ku soconeyso, anagana wey noo cuntami weyday madaxweynaha qaabka uu rabo, isagana sida uu inoo sheegay kuma faraxsana qaabka aan ku hoggaamineyno guddiga” from Guuleed Saalax Barre Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland
“Madaxweynaha iyo anagu waxaan isku fahmi waaynay qaabka ay shaqada ku soconeyso, anagana wey noo cuntami weyday madaxweynaha qaabka uu rabo, isagana sida uu inoo sheegay kuma faraxsana qaabka aan ku hoggaamineyno guddiga” sidaas waxaa yiri Guuleed Saalax Barre Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland.

Xiggasho: BBC

Category