Guddoonka golaha shacabka oo go'aan ka gaaray xildhibaannadii laga soo doortey Gedo

Muqdisho (RH)-Guddoonka golaha shacabka ayaa qoraal goordhow ka soo baxay go'aan looga gaaray xildhibaannadii laga soo doortey gobolka Gedo ee khilaafka ka dhashay.

Qoraalka guddoonka oo lagu faafiyay barta ay Facebook ku lee yihiin ayaa lagu sheegay in xildhibaannada 16-ka ee lagu doortey degmada Ceel Waaq ay yhiin kuwa saxda ah ee ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Go'aanka guddoonka golaha shacabka ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu maanta soo gaaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, halka horrey u sii joogay madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda gobolka Gedo.

Fadlan qoraalka guddoonka halkan hoose ka akhriso

Warqadda guddoonka golaha shacabkaWarqadda guddoonka golaha shacabka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category