Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lala beegsaday

RH: Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Kismaayo oo lala bartilmaameedsaday b dad ka soo baxay masaajid ay ku tukadeen salaadda Jimcaha.

Waxaa la soo sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac kale, weerarkana waxaa la tuhunsan yahay inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Sida laga soo xigtay madaxtooyada Jubaland, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u tacsiyeeyay qoyska marxuumka, iyo intii kale eek u dhimatay qaraxaas.

 

xigasho .BBC

Category