Guddigii uu ku dhawaaqay raysal wasaaraha oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (RH)-Magaalada Baydhabo ee xarrunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa gaaray guddi farsamo oo ka socda dowladda federaalka, maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir.

Guddigan oo shaley uu ku dhawaaqay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa u golgol xaaraya shirka wadatashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda, maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir kaasoo lagu go'aamin doono doorashada Soomaaliya xilliga ay dhaceyso.

Wafdiga ayaa waxa ay inta joogaan Baydhabo ay ka doodi doonaan bal in ay si hoose u dhuuxaan wax yaabaha  ay isku maandhaafsan yihiin madaxda dowladda iyo maamul goballeedyada qaar.

Shirkii madaxweynaha Soomaaliya uu ku baaqay maanta oo ay bishan ku beegan tahay 15-ka Febraayo ayaa dib u dhacay, waxaana maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku dhawaaqeen in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho maadama madaxweynaha uu xillkiisa dhammaaday, lagana qeybgalyo saamileyda siyaasadda dalka.

Ma cadda in shirka ka socda Baydhabo uu u golgol xaari doono shirka madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada.

Guddiga farsamada ee BaydhaboGuddiga farsamada ee BaydhaboGuddiga farsamada ee Baydhabo

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category