Dowladda Soomaaliya oo beenisay in 30 qof ay u dhinteen COVID 19, 24kii saac ee la soo dhaafay

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah beenisay wararka sheegaya in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ugu dhinteen xanuunka COVID19.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr Fowziya Aibikar Nuur oo maanta saxaafadda kula hadashay gudaha isbitaalka Martiini ayaa sheegtay in xalay illaa saakay ay isbitaalka ku geeriyoodeen shan qof oo oo kamid ahaa bukaanadii uu ku dhacay xanuunka ee isbitaalka la keenay.

Wasiirka ayaa beenisay in 24-kii saac ay cudurka u dhinteen 30 qof, maadama warkaas si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

“Dadka in la cabsi galiyo waa khalad, waxaa jira dad badan oo cudurkii uu haayo, haddii ay maqlaan wararka been abuurka ah waxaa macquul ah in ay isbitaalka cabsi ka qaadaan oo aysan  helin daryeel iyo la tallin,” ayay tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya,

Wasiir Fowziya aya ayaa sidoo kale beenisay in ay jirto Oxygen la’aan ka jirta isbitaalada lagu hayo dadka qaba Covid-19, taas oo keentay in ay dad u dhintaan, inkastoo ay tilmaamtay in mararka qaarkiis ay ciriiri gasho.

Warbixinta maalinlaha ee xanuunka

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu baaqday bulshada in ay iska ilaaliyaan xogaha beenta ah ee dadka ay ku faafinayaan baraha internet oo ay wixii xog ah heli doonaan maalin walba galbihii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category