Diyaaradihii tegi jiray Dhuusamareeb oo maanta halkaas tegin

Dhuusamareeb (RH)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in diyaaradihii rakaabka ee rayidka aaney maanta oo Talaado tegin magaalada Dhuusamareeb ee xarrunta maamulka Galmudug.

Sarkaal u hadlay shirkadaha diyaaradaha Muqdisho, ayaa u sheegay Radio Hormuud in maanta wax diyaarad ah tegin magaalada Dhuusamareeb, waxaana sababta uu ku sheegay in ay jirto cabsi xagga ammaanka, kaddib markii shaley la weeraray diyaarad uu la socday madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ka kaceysay garoonka xilligaas.

Dhinaca kale,wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Faragle oo la hadlay qaar ka mid ah idaacadaha maxalliga Muqdisho, ayaa beeniyay wararka sheegay in garoonka diyaaradaha uu u xirmay amni darri.

"Maanta oo kale, sida caadiga ah diyaaradaha shacabka ma yimaadaan magaalada Dhuusamareeb, waxaa yimaada uun diyaarada qaada ama sidda wafuud noo timid sida kuwa hey'addaha caalamiga, marka wararkaas waa been abuur, anniga ayaa tegay garoonka"ayuu yiri wasiir warfaafinta Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale beeniyay in la weeraray diyaaradii sidday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor si nabad ahna uu ku tegay meeshii uu u socday.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ka mid ahaa masuuliyiintii sagootiyay shaley madaxweynaha, madaxweynaha diyaaradii siddayna aaney beddelin qadkii ay ku socotay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category