Dan Gertler: Maalqabeenka, madaxwaynaha ama heshiisyada Dheymanka DR Congo

Maamulka madaxwayne Biden ayaa dhawaan cunaqabateyn dib ugu soo rogay ganacsadaha u dhashay Israa'iil, Dan Gertler, oo lagu eedeyay musuqmaasuq baahsan oo la xiriira macdanta uu qaniga ku yahay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

Wariye Franz Wild ayaa ka warbixinaya sida uu ninkan ku soo shaacbaxay iyo isbaheysigii uu la lahaa madaxwaynihii hore ee Congo, Joseph Kabila, oo xitaa u arka in uu yahay diblamaasi reer Congo ah.

Markii hore ee ay Mareykanka cunaqabateynta ku soo rogeen maalqabeenkan ka ganacsada macdanta, sannadkii 2017, waxaa uu qabsaday qareenkii madaxwayne Donald Trump si liiska cunaqabateynta looga saaro.

Cunaqabateynta ayaa lagu soo rogay ka dib markii lagu eedeeyay in xiriir musuqmaasuq uu la leeyahay madaxwaynihii hore ee Congo, Joseph Kabila.

Kabil ayaa la sheegay in uu gacan ka siiyay in Gertler uu dhaqaale badan ka sameeyo macdanta noocyadeed kala duwan, balse labadaba way beeniyeen eedeeynta loo soo jeediyay.

Afhayeen u hadlay Mr Gertler ayaa sheegay in eedeeymahan "si aan xaq ahayn oo qalad ah dusha looga saaray.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray "ma jirto cadeyn lagu kalsoonaan karo oo eedeeyntooda taageeraysa".

Cafiskii Trump

Muddo 20 sano ah ayuu Gertler, oo 47 sano jir ah, uu ku noqday mid ka mid ah ganactada ugu awoodda badan dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

Waxaa uu leeyahay awood ay shirkadiisa wayn ay fursad ugu heshay in ay macdan ka qodo dalka Kenya.

Macdantaasi waxaa ka mid ah dahab, dheyman iyo noocyo kale.

Gertler waxaa uu sidoo kale noqday diblamaasi muhiim ah oo matala Mr Kabila.

Markii uu qabsaday qareenkii Mr Trump Alan Dershowitz ayaa sidoo kale guul u soo hoyatay.

Maalmihii u dambeeyay ee xukunkii maamulkii Mr Trump oo shati siiyay Gertler, taasi oo u suuragalisay in uu helo lacagihii laga xannibay ee taalay bangiyada, muddo sanad ah.

Hasa yeeshee, Bishii March, waxaa isbadal degdeg ah ku dhacay hantidiisa.

Ka dib muddo ay qaaylo wadeen qaar ka dadka u ololeeya la dagaalanka musuqmaasuqa, Aqalka Congreska Mareykanka iyo saraakiil horey uga tirsanaa wasaarada arrimaha dibada, wuxuu Gertler noqday tusaalihii ugu horeeyay ee ahaa balanqaadkii Mr Biden ee la dagaallanka musuqmaasuqa caalamiga ah.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa ka dib kala laabtay Gertler shatigii ama leysinkii uu siiyay.

"Shatigii la siiyay markii hore, ma ahayn mid la jaanqaadi karay siyaasadda adag ee arrimaha dibadda ee Mareykanka, ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee guud ahaan caalamka," waxaa sidaasi sheegay afhayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price.

Waxaa uu intaa ku daray in Gertler "uu ku lug lahaa musuqmaasuq ballaaran".

Qareenkiisa oo lagu magacaabo, Dershowitz ayaa cabasho ka muujiyay shatiga lagala noqday inuu ahaa "mid hal dhinac ah," iyada oo aan Gertler fursad loo siin in uu is difaaco.

Awoodda iyo galaangalka ninkan ganacsadaha ah uu isticmaalayo iyo cunaqabateynta waxaa lagu xusay bayaanka.

Cunaqabateynadan ayaa ahaa kuwa lagama maarmaan ah "si looga hortago musuqmaasuq, loona hormariyo xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo," ayuu yiri Mr Price.

"Mareykanka way sii wadi doonaan la xisaabtamidda dhiinacyada ku lugta leh falalka musuqmaasuqa, anaga oo adeegsanayn dhammaan kaabayaasha aan haysano, si loo hormariyo dimuqraadiyadda loona xoojiyo heerka caalamiga ah, laguna soo rago ciqaab la taaban karo kuwa doonaya in ay laalaan."ayuu intaa ku daray.

 

Dalka Congo waa dal qai ku ah macdanta noocyadooda kala duwan

Dalka Congo, Mr Gertler wuxuu ka yahay dilaal u dhaxeeya shirkadaha caalamiga ah iyo dalka, waxaa uuna maareeye ka noqday shirkado isaga oo matalaya Kabila, sida lagu sheegay cunaqabateynta Mareykanka.

Maadaama uu madaxwayne Felix Tshisekedi, madaxwayne ahaa tan iyo 2019, waxaa meesha ka baxaya awoodihii Kabila ee siyaasadda, waxayna Mareykanka doonayaan in la xaddido awoodda ganacsadahan u dhashay Israa'iil.

Taageeradii Buush ee uu helay Kabila

Gertler oo ah nin si aad ah u xiiseeya oo jecel kubadda cagta, waxaa uu ka soo jeedaa qoys guulo ka gaaray ka ganacsiga Dheemanka oo fadhigoodu yahay magaalada Tel Aviv.

Mr Gertler ayaa markii ugu horeysay tagay dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo sanaddii 1997, wax yar uun ka dib markii uu Mr Kabila aabihii Laurent-Desirée, uu xukunka la wareegay.

Sanadkii 2000, markii uu dagaalka sokeeyay ka qarxay dalkaas, taasi oo halis galisay in awoodda iyo xukunka Kabila meesha ay baxaan, ayuu Gertler u ballanqaaday malaayiin doolar.

Sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay, in lacagta iyo hub ay heleen ay ahayd labada arrimood ee xukunka ku sii hayay qoyska Kabila.

Waxaa Gertler, loogu abaalguday in kaligii uu ka faa'ideysto oo uu dhoofiyo Dheeymanka uu dalkaasi Congo qaniga ku yahay.

Wuxuu helay kalsonida wiilka dhalinyarada ah ee Kabila, ee xukunka la wareegay ka dib markii aabihii la dilay 2001.

Xilligaas oo uu dagaal kula jiray dalka Rwanda ee ay xulufo ahaayeen Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha da'da yar waxaa uu magaaalda Washington u diray Gertler si uu madaxwaynihii xiligigaasi, George W Bush, taageero uga codsado.

Ka dib wadaxaajoodyo dheer, ganacsadahan wuxuu maamulkii Bush kula heshiiyay in ay taageeraan taageero madaxwayne Kabila, taasi oo waddada u xaartay heshiis ay gaareen dhinacyadii dagaallamayay iyo xukuumaddii Mr Kabila.

Mr Gertler ayaa ka dib noqday wakiilka Congo ee Israa'iil waxaana la siiyay baasaboor Dublamaasiyadeed.

'$100 milyan ee laaluushka'

Shirkado uu maamulo Gertler ayaa bilaabay in ay helaan shatiyo u damaanad qaadaya ka ganacsiga macdanta Congo.

Waxaa uu marar badan caawiyay shirkado caalami ah sida Glencore iyo Och-Ziff Capital Management, waxaa uuna maalgalin xoogan ku sameeyay mashaariicda macdanta isaga oo jaabka ku shubtay faa'ido badan.

 

Madaxwayne Joseph Kabila (Midig) waxaa uu awoodda ku wareejiyay Felix Tshisekedi (bidix) January 2019

Ka hor inta aysan maalgalin shirkadda Och-Ziff, Gertler, waxaa ay dib u eegis ku sameysay qaabka uu ganacsigiisa u qabto.

"Waxaa uu doonayay in galaangalka uu ku [Mr Kabila uu u isticmaalo sidii shirkadan ku heli lahayd heshiiska, waxaana lagu eedeeyay xilligaas Mr Gertler in uu bixiyay ugu yaraab $100 milyan oo dollar oo laaluush ah.

Eedeyntan ayaa waxaa beeniyay Mr Gertler denies.

Waxaa uu noqday mid ka mid ah maalqabeenada Israa'iil, waxaa uuna guriyo dabaqyo ah ka dhistay xaafad ay dadka saboolka ah ku nool yihiin oo ku taalla duleedka magaalada Tel Aviv.

 

xigasho BBC

Category