Dal labaad oo ka tirsan khaliija ayaa la filayaa in uu la heshiiyo Israil. Waakee dalkaasi?

Madaxweynaha dalka mareykanka Mr. Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta ku dhowaaqo in Bahrain ay noqon doonto dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo xidhiiidh  la yeesha Israel kadib Imaaraadka Carabta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay wargeyska Times of Israel in  uu warkan Aqalka Cad kaga dhawaaqi doono maallinta beri ah.

Boqortooyada Bahrain, oo ah dal aad u yar oo xuduud la leh Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa muddo la filayey inay noqon doonto dalka labaad ee Khaliijka ah ee xidhiidh la yeelan doona Yuhuuda .

Trump ayaa shir jar’aaid oo uu qabtay Khamiistii ku tibaaxey in dal labaad uu kusoo  biiridoono heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Israil oo lagu saxiixi doono munaasabad ka dhacidoonta  Aqalka Cad 15-ka September.

“Toddobaadka soo socda waxaan Aqalka Cad ku saxiixi doonnaa heshiiska Imaaraadka iyo Israel, waxaana macquul ah in dal kale uu nagu soo biiri doono,” ayuu yiri Trump.

“Waxaad arki doontaan dalal kale oo si is-xig xiga u iman doono muddo kooban, waxaadna arki doontaan Bariga Dhexe oo nabad ah,” ayuu yiri Trump. Trump ma shaacin xilligaas dalka labaad ee ku xigi doona Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu wada-hadal la leeyahay Sacuudiga. “waxaan la hadlay boqorka Sacuudiga, wada-hadallo ayaa socda, balse waa billow,” ayuu yiri.

Sacuudigu waxa ay  horey u sheegeen inay xiriir la yeelan doonaan Israel kaliya haddii Falastiin loo ogolaado inay dal noqoto.

Category