Dagaal laga cabsi qabo in uu kadhaco Itoobiya

RH Adisbaba: Madaxweynaha dowlad degaanka Tigrega Debretsion Gebremichael  ayaa dadkiisa u sheegay in uu jiro dagaal dawlada dhexe ee Itoobiya damacsantahay in ay ku soo gaaqo Makele ( Caasimada ) degaanka Tigrega , sidaas awgeed ayuu dadkiisa faray in ay diyaargaroobaan isaga oo sheegay in uu yahay dalal lagu khasbey isla markaasina ay iyaga guushu raacidoonto.

Degaanka Tigrega ayaa dhawaan qabsadey doorasho u gaar ah islamarkaasina sheegay in aaney u hogaansamidoonin amarada kasoo baxa Adis-ababa taas oo loo macneystay in ay gooni isutaag buuxa ku dhawaaqeen.

wixii intaas  ka dambeeyay maallinba maallinta ka dambeysa way kasii dareysay xaaladu waxaana la is dhaafsanayey hadalo kulkulul,

Waxaanse ilaa hada la xaqiijin karin in ay dhab ahaan Itoobiya rabto in ay qabsato degaanka Tigreega oo hadii ay taas ku kacdo horseedi karta burbur ku yimaada guud ahaan dawlada Itoobiya maadaama oo gobalkaasi leeyahay saameyn xoogan .

Category