Dad shacab ah oo lagu dilay gobalka Shabeellaha Dhexe

Warsheekh (RH)-Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Warsheekh ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.

Goobjooge ayaa sheegay in dabley aan heybtooda lagaraneynin ayaa hooyadan iyo labadeeda carruur ku dishay deeganka Xaluule ee degmada Warsheekh.

Sidoo kale weerarka ayaa lagu dhaawacay haweeney kale iyo carruur ah ay dhashay.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay jirto isla markaana ay ka xun yihiin dadka maatida ah ee lagu laayay deeganka.

"Tirada dhimashada waa saddex carruur ah oo kala ah haweeney iyo labo carruur ah, dhaawucu waa labo qof"ayuu yir guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deeganka uu falka ka dhacay ay soo gaareen ciidamada dowladda ayna wadaan baaritaano.

Dhacdooyinka noocan oo kale ayaa dhowr jeer ka dhacay degmada Warsheekh, waxaana sidan oo kale horrey loogu dilay culimaa'udiin iyo dhakhaatiir, waxaana inta badan loo aaneeyaa arrimo dhulal ku saabsan.

Radio Hormuuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category