Cabdirashiid Janan oo dagaal ku dhawaaqey

RH: Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, xildhibaano k tirsan maamulka, maamulka gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Daraawiishta ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey kaga hadleen xaaladda hadda jirta.

Cabdirashiid Janan wuxuu ka dhawaajiyay ineysan u dulqaadan doonin wixii ka dhacay Beledxaawo isla markaana ay tallaabo qaadi doonaan.

Janan wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beledxaawo, wuxuuna shacabka deegaanka ugu baaqay iney isaga baxaan magaalada si aysan dhibaato usoo gaarin.

Wasiirka wuxuu eedeyn usoo jeediyay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Beledxaawo.

Category