Banaanbax looga soo horjeedo Faransiiska oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha Faransiiska oo sheegay hadallo gaf ku ah nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana dadka bannaanbaxayay ay lahaayeen waa in si isku mid ah looga soo horjeesto madaxda iyo dowladda Faransiiska.

Dadka bannaanbaxayay ayaa gubayay calanka dalka Faransiiska iyo sawirka madaxweynaha Faransiiska Macron.

Magaalada Muqdisho ayaa ku biireysa magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasoo ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo madaxweynaha Faransiiska Emmanual Macron.

Guud ahaan dunidda islaamka waxaa ka dhacaya bannaanbaxyo looga soo horjeedo madaxweynaha Faransiiska.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category