Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd Oo Aan xafiiskiisa ka soo Xaadirin ilaa 2016-kii

Bali-gubadle(RH)Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd cabdisamad xaashi Axmed ayaan xafiiskiisa ka soo Xaadirin intan iyo intii loo magacaabay Xilkaasi Sanadkii 2016 kii.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd ayaa gabay shaqadii qaran ee loo igmaday isagoo ilaa hada kaga mashquulsan Arimo ganacsi iyo dano gaara oo shakhsi .isla markaana aan maalin U Soo shaqo-tagin xafiiskiisa magaalada Bali-gubadle ee xarunta gobolka hawd

Badhasaab ku-xigeenkan Gobolka Hawd ayaa waxaa uu ka mid ahaa Masuuliyiintii ay Magacowday Xukuumadii Hore Madaxweyne Silaanyo waxaana Gobolka hawd loo soo magacabay Bishii March , 2016 kii

Xukuumadan Talada Dalka haysa ayaa markii ay Dalka ka dhalatay waxay ay badashay guud ahaanba Masuuliyiintii Xukuumadii hore ee Madaxweyne Silaanyo.isla markaasina waxaan ilaa hada cidi badalin Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd Cabdisamad Xaashi Axmed oo ay isku hayb yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .

Bulshada ku dhaqan Gobolka Hawd ayaa mar walba ka Cabata in masuul kasta oo Gobolkaasi loo soo magacaabaa aanu soo dhaafin magaalada Hargeysa.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd ayaa ah masuul aan hore uga shaqayn Xafiis Dowladood,

 

 

Category