Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay hal qof oo u geeriyooday, halka 29 qof oo cusub laga helay xannuunka Cornavirus 48 saacadood ee u dambeeyey.

Hargeysa(RH)Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa cambaareeyey hub dawladda Masar ugu deeqday dhawaan Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo ka hor imanaya cunaqabateyntii hubka ee Qarammada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaashaandhigga JSL wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu Soo-saarey waxaanu Wasiirku ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay si cad u jabisay xayiraadii hubka ee Qarammada Midoobay hubka ka saartay Soomaaliya.

Hargeysa(RH)Qaar ka mid ah Xoola-Dhaqatada,Beeraleyda iyo Reer Guuraaga Deegaanada Somaliland ayaa soodhaweeyey 32 Dhaam-Biyood oo Wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland ayaa ka hirgelisay deegaannada Qool-caday, Sallaxley, Bali-gubadle, Gubmburaha, Balicabane, Go’da weyn, Xaaxi iyo Duruqsi, kuwaasoo ay xoolo dhaqatadu u isticmaalayaan cabista xoolaha, waraabka beeraha iyo adeegyada nolosha ee asaasiga ah.

Hargeysa(RH) Allah Ha U Naxariistee Qofkii 14 aad ayaa Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Coronavirus.Sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland

Sidoo kale Waxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Shaacisay in Baadhitaano 72kii saacadood ee u danbeeyey lagu sameeyey 110 Qof in Xanuunka Covid 19 laga Helay 37 qof Oo Cusub Oo ah Muwaadiniin Somaliland u dhashay isla markaasina jooga Guud ahaan Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 11 Aad ayaa Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Covid-19.

Marxuumkan Geeriyooday ayaa Daganaa magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Waxaana da’diisa lagu sheegay 65 jir.Siday ay Warbaahinta U Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii  9aad ayaa U Geeriyooday Somaliland Xanuunka CoronaVirus sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Caafimaadka Somaliland.

 

Sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxay shaacisay in 24 Saacadood ee u Dambeeyey Baadhitaanadii la Sameeyey 18 Qof Oo Cusub laga Helay Xanuunka Covid-19

Bukaanada Cusub ee Xanuunka laga Helay ayaa kala Jooga Magaalooyinka